Golaha Qurba Joogta Jubbaland oo baaq ka soo saaray shirka Maamul u samaynta Jubbaland.
Golaha Qurba Joogta Jubbaland oo baaq ka soo saaray shirka Maamul u samaynta Jubbaland.

Golaha Qurba Joogta Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka Jubbaland Diaspora Forum ayaa bayaan ka soo saaray Shirka Maamul u samaynta Jubbaland iyo Mawqifka Guracan ee Dawlada Federalka Soomaaliya ka Qaadatay Shirka Maamul u samaynta Jubbaland, Bayaankan oo Nuqul kamid ah uu bogani Helay ayaa u Qoraa sidan.
22- Sano kadib Dalka Soomaaliya waxaa ka Hirgalay Hanaan Federal ah oo Dadka Soomaaliyeed si Madaxbanaan ay isula Garteen inay Qaataan kuna Dhaqmaan si loo Hello Midnimadii iyo Wadajirkii Ummada Soomaaliyeed.
Hanaankan Federalka waxaa loo Qaatay kaliya inuu yahay Xalka Dadka Soomaaliyeed ku kala Bad baadikaraan maadaama Dalku soo maray Dagaalo Sokeeye oo dhib badan laga dhaxlay,
Gobolada Dalkana intii israaci kartaba Dastuurku waxaa uu Xaq u siiyay inay dhistaan Dawlad Goboleed iyaga u Gaar ah, Hoostagtan Dawlada dhexe ee Soomaaliya Dawlada dhexena doorkeedu uu Noqonayo mid Gudoomin iyo Goob Jooganimo kaliya.
Hadaba iyada oo ay sidaas tahay ayay Shacabka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubooyinka iyo Gedo isla Garteen inay samaystaan Dawlad Goboleed iyaga u Gaar ah, oo mudo dheer soo Jiitamaysay keentayna in Aakhirkii Shirkii lagu dhisihlahaa uu 28-ka bishii Feb. ka Furmay Magaalada Kismaayo.
Dawlada Federalka ah oo Gabtay Doorkeedi Hogaamineed wax tan iyo Maalinkii ladhisay Hagardaamo la daba Taagnayd arimaha Jubooyinka iyo Gedo, waxayna ugu dambayn Cadaysay Mawqifka ay kataagan tahay Shirka Maamul u smaynta Jubbaland, oo ay Sheegtay in Gabi ahaanba ka soo Horjeedo.
Hadaba: Golaha Qurba Joogta Jubbaland isaga oo ka Duulaya Doorka bulsho iyo Siyaasadeed ee uu Shacabka Jubbaland ugu Jiro waxaa uu soo saaray Qodobadan Hoose:
Shirka iyo Maamulka ku MGK-ka
1) Golaha Qurba Joogta Jubbaland waxaa uu Taageero Hiil iyo Hooba ah u Muujinaya lana Garab taagan yahay Shirwaynaha Maamul u samaynta Jubbaland ee ka Furmay kana socda Magaalada Kismaayo.
2) Golaha Qurba Joogta Jubbaland wuxuu ugu baaqayaa Shirka in si Cadaalad Sinaan iyo Soomaalinimo ah loogu Garsooro Ummada Soomaaliyeed ee wada Degta Jubbaland wax kastana loo maro Dariiqa saxda ah.
3) Goluhu wuxuu Shirka ku Dhiirigalinayaa in ayna Dhag Jalaq u siinin loona Dabcin Hadalada Caadifadaysan ee Xamar ka soo Yeedhaya lagana leeyahay Daana Gaar ah iyo kala Fogaynta Shacabka Soomaaliyeed.
4) Goluhu wuxuu Maamulka ku MGK-ka ah ugu baaqayaa inay adkeeyaan Amaanka Ergooyinka Maadaama ay Ergooyinku Cadaw badan leeyihiin ayna bartilmaameed u yihiin Kooxaha Samadiidka ah.
Dawlada Federalka ah.
5) Golaha Qurba Joogta Jubbaland waxaa uu si buuxda u Cambaaraynayaa Go'aanka iyo Mawqifkii Guracnaa ee Dawlada Federalka ah ay sheegtay inay ka Qaadatay Shirka Maamul u samaynta Jubbaland.
6) Goluhu wuxuu Dawlada dhexe ugu baaqayaa inay si Deg deg ah uga laabato Mawqifka aan Haboonayn ee ay Qaadatay ayna u Hogaansanto Dastuurka Federaaliga ah ee iyaga lagu soo Dhisay kuna Shaqeeyaan.
7) Goluhu wuxuu u arkaa in arimaha Jubbaland uu Madaxwaynuhu Dana Gaara kaleeyahay sidaa Darteed Goluhu wuxuu Madaxwaynaha Xusuusinaya inayna socondoonin Siyaasada beelaysan ee uu wado uuna inta Goor goori tahay ka waantoobo.
8) Goluhu wuxuu ugu baaqaya Ra'iisal Wasaare Saacid iyo Xukuumadiisa in sida ugu Dhakhsaha badan uu shirka u Yimaado ama Ergo rasmiya uu u soo dirasado.
Beesha Caalamka iyo Ururada Caalamiga ah.
8) Goluhu wuxuu ugu baaqaya Guud ahaan Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay inay si dhow ugu Kuurgalaan ulana socdaan Xaalada Siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya, iyo Fulinta Qorshihii Tubta Nabada ee Soomaaliya loo Dajiyay.
9) Gulohu wuxuu ugu baaqayaa Dawladaha Maraykanka Midowga iyo Kooxda Caalamiga ah ee Xidhiidhka Soomaaliya inay Joojiyaan Taageerada Gaarka ah ee Maamulka Muqdisho oo u Xuub siibtay Maamul Kooxeed Dana Gaara wata Lumiyayna Taageeradii Shacabka Soomaaliyeed.
10) Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Africa inay Xoojiyaan Taageerada Shacabka Soomaaliyeed ee Doonaya inay dhistaan Maamul Goboleedyo iyaga u Gaar ah, Maamulka Xasan Culusowna ay ku riixaan Hirgalinta Distoorka Federaaliga ah ee Ummada Soomaaliyeed ku Heshiisay.
Golaha Qurba Joogta Soomaaliyeed ee Jubbalnd Diaspora Forum.
Nabad iyo Cadaalad:
Jubbalanddf.net
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Comments
- Igad oo Soomaaliya Ku Noqotay ...
Sida ugu dhakhsaha badan uga saara websiteka maqaa... - Igad oo Soomaaliya Ku Noqotay ...
ACWW Waxaa aan aad uga xumahay in waddaninimadiin ... - Igad oo Soomaaliya Ku Noqotay ...
Qoraalkan fadlan meesha kasaara. Reer jubbaland ma... - Indhaha Beesha Absame oo Kusoo...
ac Wixii dhacay dhac,waxayna xigmadu ku jirtaa in ... - Hambalyo & Waa La Idoortay Jub...
Sheekh Axmad-madoobe wuxuu ka hortegayey in dawlad...
JDF Radio Broadcast
SOMALICHANNEL: Waraysi Prof. Gaandi - Jubbaland
Xaflada Taageeradii Azania MPLS














Comments
RSS feed for comments to this post